10/6/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay qabashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada sadax kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, 27-ka bishaan oo ku beegan maalinta berito ah ayay guddigu sheegeen iney dhaceyso doorashada sadaxda kursi uu tirsigoodu kala yahay HOP 182, HOP 170 iyo HOP171.

Kursiga HOP#182 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#170 uu afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali, halka kursiga sadaxaad ee tirsigiisu yahay HOP#171 ay ku fadhisay afartii sano ee la soo dhaafay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Maamulada Galmudug iyo Soomaaliland ayaa horay u doortay qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana Maamulka Koofur Galbeed uu noqonaya maamulkii sadaxaad ee guda gala qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/26/2021 12:53 PM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa maanta duqaymo dhanka cirka ah waxay ka gaysteen magaalada Maqale ee caasimadda degaanka Tigray, sida ilo xogagaal ahi sheegayaan.

11/26/2021 12:46 PM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo markii u horeysay kasoo muuqday Warbaahinta, tan iyo markii u go'aansaday inuu tago furimaha hore ee dagaalka, ayaa ka warbixiyay wakhti xaadirkan halka uu xaalku marayo.

11/26/2021 7:16 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa war saxafadeed kasoo saartay walaaca iyo cabashada laga muujinaayo doorashooyinka Golaha Shacabka, iyagoona dalbaday in doorashada ay noqoto mid daahfuran oo ay ku kalsoonaan karaan dhamaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed.

11/26/2021 7:12 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa lacag dhan 120 kun oo dollar guddoonsiiyay dadkii ay xukuumada Somaliland kasoo tarxiishay gobolada Sool iyo Sanaag, isagoo u balan qaaday in ay heli doonaan wixii hanti ka maqan iyo deeqo kale.

11/26/2021 7:09 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay iney ka go'an tahay dhaqan galinta wareegtadii uu madaxweynaha Puntland xilka kaga qaaday taliyahii ciidanka PSF.

11/26/2021 5:33 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.

11/26/2021 1:12 AM EST
Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay soo kordheysay cabashada laga muujinaayo habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay guddiga xalinta khilaafaadka oo ku baaqay in Musharaxiinta wixii tabasho ah ay qabaan ay usoo gudbiyaan guddiga.