4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Guddiga doorashada heer federal oo ugu baaqay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in aan caqabad ku noqon madax bannaanida guddiyada doorashada
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay  in ay baaritaanno ku sameynayaan dhammaan cabashooyin ka dhashay doorashada labada aqal ee ah in ay madaxda dalku faro galin ku hayaan doorashada.

Guddiga doorashada ayaa ku war-galiyay daneeyaasha doorashada  in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu guddigu dib u eegi doono.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay, in wax kasta oo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin, wuxuuna ugu baaqay tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay u madax baneeyaan guddiyada doorashada hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad.

Guddiga doorashada ayaa war-saxaafadeedkiisa ku caddeeyay in doorashada aqalka hoose ugu dambayn lasoo gabagabayndoono 24 december oo ah bil kadib, waxayna meesha ka saareen in aaanay mar dambe dib u dhicidoonin.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online