3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Kursi ka mid ah Golaha Shacabka oo goordhaw lagu doortay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw oo maanta ah markale lagu doortay xarunta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kursiga doorashadiisa maanta ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 272 ayaa waxaa ku wada tartamay ilaa sadax Musharax oo kala ahaa Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Cabdiqani Maxamed Maxamuud iyo Khadra Axmed Ibraahin, waxaana kursigaa ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku guuleystay xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay 65 cod, halka labadii  musharrax ee la tartamayay ay kala helleen Khadra Axmed Ibraahim 25 cod & C/qani Maxamed Maxamuud 7 cod.

Doorashada kursigaan ayaa imaaneysa xili shalay magaalada Muqdisho lagu doortay 5 ka mid kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaalinad taasoo tirada guud ee Xildhibaanada la doortay ee kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland ka dhigeysa sideed Xildhibaan.

Waxaa sidoo kale Maanta lagu qabanayaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu doorashada laba kamid ah kurasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/24/2021 1:24 PM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Muxidiin Sheelh Muumin oo loo yaqiinay Jiim Sheekh Muumin, kaasoo mudooyin dambe xanuunsanaa sida warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ehelkiisa.

11/24/2021 1:00 PM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Hay’adda maamusha ciiddanka nabad sugida Puntland ee PSF ayaa sharci darro ku tilmaamtay degreeto uu madaxweynaha Puntland ku magacaabay agaasimaha cusub ee PSF.

11/24/2021 8:40 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Doorashadii ugu horreysay ee aqalka hoose ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Dhuusomareeb iyadoo la doortay labadii kursi ee ugu horreeyay.

11/24/2021 8:24 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa maanta kulan xasaasi ka yeeshay dardar gelinta arrimaha amniga doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lagu qabto magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/24/2021 8:14 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Difaaca dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kula kulmay taliyaha guud ee ciidamada Milliteriga Soomaaliya Sarreeye Guuto Odawa Yuusuf Raage.

11/24/2021 7:38 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in talada dalka Itoobiya uu siihaynayo Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mokonnen, maadaama Abiyi Axmed uu hoggaaminayo ciidamada qaranka Itoobiya ee dagaalka kula jira TPLF.

11/24/2021 6:23 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha hay’adda maamusha ciiddanka PSF ee uu Maraykanku maalgaliyo.

11/24/2021 4:29 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, oo horay uga mid ahaa xubnihii Somaliland uga qayb gali jiray wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in ay joojinayaan wada-hadalada.

11/24/2021 3:29 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka lugta ee xoogga dalka Soomaliyeed, General Maxamed Biixi ayaa sheegay in aysan marna raalli ka ahaan doonin in AMISOM ku gorgortanto joogitaankeeda Soomaaliya, si loogu fuliyo danaheeda.

11/24/2021 2:15 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Hay’adda maaraynta masiibooyinka ee maamulka Puntland ee HADMA ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay warar sheegaya in Puntlad ay kusoo wajahan tahay duufan culus.

11/24/2021 1:14 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug inay ka bilaabato doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.