3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka mamnuucay musharraxiinta golaha shacabka in ay wajiga xirtaan xilliga doorashada
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray go’aan loogu mamnuucayo guud ahaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta golaha shacabka in ay qariyaan wajiyadooda, marka ay socoto cod bixinta doorashada.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in go’aankaan uu yahay mid ka turjumaya si loo ilaaliyo daah-furnaanta doorashada dalka, kadib markii ay doorashooyinkii dhawaan dhacay ay ku jireen musharraxiin wajiga soo xirtay.

Musharraxiinta wajiga u xirnaa ayaa u badnaa kuwa aanay tartanka doorashadu daacad ka ahayn oo badi u tanaasulay musharraxiinta ay kursiga kula qornaayeen.

Go’aanka guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada lix kursi oo ay ku tartamayaan in ka badan 10 musharrax oo kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga doorashada ayaa go’aanka uu soo saaray ka dhaqan galin doona doorashada maanta dhacaysa, waxaana uu sheegay, kaliya in waji xirasho loo oggol yahay ergooyinka wax dooranaya sababa la xiriira ammaankooda.

Ergooyinka oo dad shacab ah, ayaa bartilmaameed u ah ururka Alshabab oo laayay qaar badan oo katirsan ergooyinkii ka qeyb qaatay doorashooyinkii 2016/2017.

Sidoo kale, ergooyinka oo qaarkood ay ka yimaadeen Somaliland ayaa laga cabsi qabaa marka ay dib ugu laabtaan deegaannadooda in dhibaato loo geysto, kadib markii Somaliland ay ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadayso cid kaste oo ka qeyb qaadata doorashadaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/23/2021 12:27 PM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galay Xaalad deg deg ah oo bani'aadanimo oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee dalka kusii faafaya.

11/23/2021 8:18 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Doorashada shan kursi oo katirsan kuraasta xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo kuraasta qaarkood ay kusoo laabteen xildhibaanno horey u joogay golaha shacabka.

11/23/2021 3:56 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Iyadoo goordhaw si rasmi ah uga bilaabatay doorashada 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya xarunta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye ayaa waxaa la doortay laba ka mid ah kuraasta doorashadooda maanta ka dhaceysa Muqdisho.

11/23/2021 3:18 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka jawaab celiyay eedeeyn kulul oo kasoo yeertay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

11/23/2021 1:47 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Shirkadda la talinta Asal Consulting, oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ururka Shaqaalaha adduunka, ayaa waxay si rasmi ah u daah fureen Goobaal Online, oo ah adeeg loogu tala galay ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed oo doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda.

11/23/2021 12:51 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka ayaa maanta qabanaya doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee gobolada waqooyi sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Ambassador Axmed Adan Dagaal (Safiina).

11/23/2021 12:42 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed “Biikilo" ayaa Ra'iisul wasaaraha ka fogeeyay inuu wax shaqo ah ku leeyahay qaadida dacwada kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

11/23/2021 12:25 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed Cali, oo kulan la yeeshay guddida fulinta ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo, ayaa ku dhawaaqay in uu tagi doono jiidda hore ee dagaalka, isla markaana uu hoggaamin doono Ciidamada difaaca Itoobiya, laga bilaabo maanta oo Talaada ah.