4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Agab loogu talo galay sugitaanka amaanka goobaha doorashooyinka ka dhacayaan oo lagu wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan


Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta kala wareegay Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baledweyne agab loogu talo galay hubinta amniga goobaha ay ka dhaci doonaan doorashada Golaha Shacabka.

Agabkan loogu talo galay hubinta sugitaanka amaanka goobaha lagu qabanaayo doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, waxaana lasoo marsiiyay taliska ciidamada Jabuuti ee ka tirsan ciidamada AMISOM qeybtooda Baledweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mahad celiyay agabka maanta lagu wareejiyay, isagoo balan qaaday in agabkan sidii loogu talo galay ay ugu shaqeyn doonaan.

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay ka mid tahay magaalooyinka loo qorsheeyay iney ka dhacaan doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale magaalada Baledweyne lasoo gaarsiiyay agab loogu talo galay doorashada sida sanduuqyada cod bixinta iyo warqadaha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]