4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Wasiir Qambi "Ninkasta oo fadqalalo doonayaana in uu Buuhoodle usoo kaadi tago lama aqbali doono"
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka Dhalinyada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa askar ciidanka Somaliland ka goostay oo sheegay in ay Buuhoodle Somaliland ka xoraynayaan uga digay in ay qas galiyaan gobolkaas.

Wasiirka ayaa ciidamada ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Somaliland ugu baaqay in ay deegaanadoodii ku noqdaan oo anay dhibaato ka ridin Buuhoodle.

"Qolada leh ciidan baanu kasoo goosanay waxan u sheegayaa, hadii ay ciidan kasoo goosteen iyo hadii anay jirinba in ay tagaan deegaan koodii, kuwa u gacan haadiyay ee camal ka dhigtay in Buuhoodle tahay meel xero Daraawiisheed ah, naftoodana been bay u sheegeen Alle na been bay u sheegeen" ayuu yidhi Wasiir Qambi.

"Umada Sool u dhalatay ama Sanaag u dhalatay ee macnaheedu yahay fidno ayaan halkan la imid, waa dhibaato, umaduna ma qaadi karto, ninkasta oo fadqalalo doonayaana in uu Buuhoodle usoo kaadi tago, oo usoo dhibaato tago waa waxan la aqbali doonin".

Ciidan sheegay in ay yihiin 200 oo askari oo wata 10 baabuur oo tikniko ah oo kasoo goostay ciidamada Somaliland ee bariga, ayaa magaalada Buuhoodle kaga dhawaaqay jabhad la magac baxday SSC, waxayna sheegeen in ay la dagaalamayaan ciidanka Somaliland ee ay hore uga tirsanaayeen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]