4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo guddi qaran u magacaabay ka jawaabida abaaraha ka jira dalka
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran gurmadka dadka la il-daran abaaraha ku dhuftay meelo badan ee waddanka ah.

Raysal wasaaraha ayaa guddigan faray in si degdeg ah  ugu howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya, iyadoo ahmiyad la siinayo sida ay gobolada dalku xaaladdooda u kala culus tahay.

Wuxuu Raysal wasaaruhu sheegay in dowladdu isku wadayso doorashada iyo ka jawaabida arrimaha abaaraha.

Wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya sidii loogu gurmadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Guddigan waxaa madax u ah wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana qeyb ka ah xubno wasiiro ah iyo culimada Soomaliyeed.

Malaayiin qof oo Soomaaliyeed ayay abaaruhu si aad u sameeyeen, dadkaas oo u badan kua nool miyiga, kadib markii ay ka dhamaadeen biyihii iyo baadkii, taasoo keentay in ay xaalad adag ku sugan yihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online