4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Booliiska Soomaaliya oo sheegay in weerar ismiidaamin ah lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa uu isku miidaamiyay agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Arka.

Agaasimaha ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxa, halka sidoo kale dhaawac culus uu qabo agaasimihii telefishinka qaranka Sharmaarke Maxamed Warsame, oo xaaladdiisa aad loola tacaalayo.

Afhayeenka booliiska Somaaliya, Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qofka ismiidaamiyaha ah uu isku qarxiyay daaqada dhinaca uu xigay agaasimaha, radio Muqdisho, wuxuuna afhayeenku beeniyay wararka sheegayay in gaariga qarax loogu xiray.

"Qaraxa sida ay cadeeyeen kooxaha Farsamayaqaanada Boliiska gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boondheere wadada Busley, ayaa waxaa halmar daaqada gaariga kusoo booday oo qabsadey qof naftii halige ah,"  ayuu yiri afhayeenku.

Afhayeenka Booliiska wuxuu sheegay in qeyb kamid ah jirka ismiidaamiyaha laga heli karo bartii qaruxu ka dhacay, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaano.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online