10/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Allaha u naxariisto agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, ayaa lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weriye Cabdicasiis afrika, ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxa, sida ay sheegeen masuuliiyiin katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo xaqiijiyay geeridiisa.

Cabdicasiis Afrika, wuxuu sidoo kale ahaa soo saarihii barnaamijka gungaar ee lagu wareysan jiray dagaalamayaasha Alshabaab ee dowladdu gacanta ku dhigto, wuxuuna bartilmaameed weyn u ahaa ururka Alshabab.

Warar aan haatan helayno waxay sidoo kale sheegayaan inuu dhaawac yahay agaasimihii telefishinka qaranka Somaaliya, Sharmaarke Maxamed Warsame oo la socday weriye Afrika.

Wixii soo kordha kala socda wararkeena dambe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/20/2021 2:23 PM EST
abti, November, 20, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo caawa lagu qaarijiyay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

11/20/2021 2:17 PM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareejinta Cirro ee hogaanka xisbiga Waddani ku macneeyay in ay keentay kadib, markii uu garawsaday in siyaasiyiinta Kulmiye ka tirsanaanjiray ay siyaasad fiicanyihiin.

11/20/2021 2:05 PM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay booliiska Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa uu isku miidaamiyay agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Arka.

11/20/2021 10:49 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u daahfuray dhismaha madaar casri ah oo shirkad layidhaa TISL oo laga leeyahay dalka Imaraatka Carabtu ka hirgalisay magaalo xeebeedka Berbera.

11/20/2021 8:53 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

11/20/2021 3:20 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii ugu dambeeyay maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay soo saareen liisas bilaaw u ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi boggaadiyay guddiga doorashada heer Fedaraal.

11/20/2021 2:10 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelibta doorashada maamulka Galmudug ayaa soo saaray sharuudaha laga doonayo Musharaxiinta ku tartami doonta shanta kursi ee ugu horeysa doorashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

11/20/2021 1:21 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in dib loo furayo safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

11/20/2021 1:18 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax jimcihii shalay ka dhacay goob suuq ah oo kutaala degmada Bardaale oo qiyaastii 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

11/20/2021 1:06 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Cirro, ku eedeeyay in Xamar looga soo dhiibay hadalkiisii ahaa in 'China Taiwan ka muhiimsanyahay'.

11/20/2021 1:06 AM EST
Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweyne Mustafe cagjar oo wax laga waydiiyay sababta loo xiray Tvga Nabad tv, ayaa waxa uu sheegay in tvgu uu ka gudbay anshixii saxaafadda, isla markaana lagu saxsanaa in la xiro.