4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Faahfaahin ku saabsnan todobo Qof oo ku dhintay Qarax Ka Dhacay Suuq kuyaala degmada Bardaale
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax jimcihii shalay ka dhacay goob suuq ah oo kutaala degmada Bardaale oo qiyaastii 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxa ayaa lagu aasay meel suuqa ka mid ah, waxayna ku qaraxday dadkii wax ka iibsanayay, gaar ahaan dadka reer miyiga ah oo xilligaas suuqa ku xoonsanaa, sida uu sheegay Maxamed Isaaq Caraase, oo ah guddoomiyaha degmada Bardaale.

"Dad badan oo ka yimid tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah oo ay ku jiraan kuwa cuna maandooriyaha qaadka ayaa inta badan suuqan ku soo qulqula Jimce kasta si ay uga dukaameystaan," ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta gudaha.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Guddoomiyaha degmada Bardaale, Maxamed Isaaq Caraase ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabaab inay ka dambeeyaan.

Arbacadii, James Swan, oo ah madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ku dhawaad 1,000 qof oo rayid ah lagu dilay iskahorimaadyo hubaysan oo sanadkan ka dhacay Soomaaliya, iyadoo kooxda al-Shabaab ay mas’uul ka tahay saddex-meelood laba meel khasaaraha falalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online