4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay degmada Kaaraan loogu geystay wiil dalinyaro ahaa

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Warar deeraad ah  ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ugu geysteen wiil dalinyaro ahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ahaa oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in rag hubeysan oo burcad ah ay wiilka dhalinyarada ahaa ku toogteen xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, kaasoo u geeriyooday rasaas badan oo lagu dhuftay.

Burcada ayaa la tilmaamay inay doonayeen inay dhac u geystaan Wiilka oo ka qaatan Teleefoon gacanta oo uu watay rasaas ayey la dhaceen, dabadeebna waxay ka qaadeen Telefoonkii.

Qaar kamid ah qoyska Marxuumka la dilay ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday meydka Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Mowliid Cali Maxamed  oo ahaa Mid ka mid ah dhalinyarada degmada Kaaraan,waxaana marxuumka uu  ka mid ahaa Ardaydii sannadkii hore ka baxay Dugsiga sare.

Dilka Mowliid loo geystay ayaa noqonaya dilkii labaad oo muddo labo isbuuc gudahood ka dhaca degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay geysteen burcad hubeysan oo noocaan oo kale ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]