4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 2 , 2021
Abiyi Axmed "Ciidamo aan Itoobiyaan ahayn ayaa ka qayb qaatay dagaalkii gobolka Wallo"
 

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa mar uu kulan u qabtay maamulka sare ee xukuumaddiisa, waxaa uu sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Wallo ee dowlad degaanka Axmaarada, ay ka qayb qaateen ciidamo aan Itoobiya u dhalan oo caddaan iyo madaw isugu jira.

Abiyi Axmed ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka haatan socda ee u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo fallaagada TPLF ay guushu raaci doonto Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee, isagoo yiri "Shaki kuma jiro inaan dagaalka ku guulaysan doono, meellaha qaar wax way ka khaldami karaan, balse natiijada kama dambaysta ah Itoobiya ayay raaci doontaa oo guulaysan doonta".

Abiyi Axmed ayaad moodaa inuu culays dhinacyo badan kaga imanaya uu ka muuqdo maalmahan, isagoo maalmihii u dambeeyay uu si guud shacab waynaha Itoobiya ugu boorinayay inay hubka nooc walba oo ay awoodaan ay qaataan, si ay dalka uga difaacaan waxa uu ku tilmaamay argagaxisada TPLF.

Haddalada Abiyi Axmed ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii u dambeeyay ay sii xoogaysanayeen dagaallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, isla markaana ay kooxda TPLF sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah, oo ku yaal dowlad degaanka Axmaarada.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online