4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 19, 2021
Cabdiraxmaan Cirro "Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in doorashada madaxtooyadu ku dhici doonto wakhtigeeda"
 

Jimco, November, 19, 2021 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in madaxweyne Muuse Biixi doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qaban doono.

"Kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa, noomana muuqato sabab loo kordhiyo, sababtu waxa weeyaan dadkii codaynayay 80% ama ka badani way diwaan gashanyihiin" ayuu yidhi Cirro.

"Guddiga doorashooyinka qaranku waxay ku dhawaaqeen in ay doorashadii iyo howsheedii wadaan, madaxweynaha waxay la kulmeen bishii 8aad wuxu amray in ay soo diyaariyaan kharashkii iyo habraacii, wax kale oo ka dhiman oo imika aanu is leenahay waa qabyo ma jirto".

Cirro ayaa sheegay in doorashooyinkii hore sababihii dib loogu dhigi jiray ay ugu waynayd codbixiyayaasha oo aan diwaan gashanayn, waxaanu sheegay in maanta codbixiyayaasha badan koodu diwaan gashan yihiin, isla markaana anay howl badan yeelan doonin in inta hadhayna la diwaan galiyo doorashadana la qabto.

Cirro ayaa warkan ka sheegay waraysi uu magaalada Hargaysa ku siiyay wariye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]