6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Raysal wasaare Rooble oo bogaadiyay go'aanka madaxweyne Qoorqoor, maamulada kalana codsi u diray
 

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegay in guul ugu soo dhamaatay safarkiisii ku aadanaa u kuurgalida howlaha doorashooyinka.

Raysal wasaaraha ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shaaciyay xiliga uu bilaabayo maamulkiisa doorashada Golaha Shacabka.

"Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul. Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka. Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda maamulada kale ee dalka iney si dhaqso leh u bilaabaan qabashada doorashada Golaha Shacabka, taasoo dhowr jeer dib uga dhacday waqtigii loogu talo galay in lagu qabto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/18/2021 3:18 PM EST
Khamiis, November, 18, 2021 (HOL) - Ciidamo tirradoodu dhantahay 200 oo askar, oo wata 10 baabuur oo tikniko ah, ayaa ka goostay milliteriga Somaliland kuna biiray jabhada SSC ee baryo ka dagaalami jirtay bariga Somaliland.

11/18/2021 12:19 PM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta boob lagula kaco doorashada aqalka hoose, taasoo ay sheegeen in ay ka dhalan karto colaad sokeeye.

11/18/2021 7:20 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay madaxda siyaasadda dalka in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo in baarlamaanka federaalka la soo doorto ka hor dhamaadka sanadkan si doorashada madaxweynaha ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.

11/18/2021 6:00 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa dib gacanta ugusoo dhigtay eedeysanayaal Argagixiso oo ka baxsaday Xabsi kuyaalla dalka Kenya, kuwaas oo hadda lagu xiray Kitui xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya.

11/18/2021 3:45 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Guddiga Hirgelinta Doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay shanta kursi ee ugu horeysa ee la qabanaayo doorashadooda maalmaha soo socda.

11/18/2021 2:11 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay iney si deg deg ah u bilaabayaan maalmaha soo socda qabashada doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

11/18/2021 2:06 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay toogasho waxay ku dileen nin la sheegay inuu bastoolad ku hubeysnaa, kaaso dil u geystay ka hor inta aanan asaga la dilin nin ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdiqaadir Muudeey oo si weyn looga garanaayay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

11/18/2021 12:36 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo kamid ah senatoradii dhawaan dib loogu doortay aqalka sare ayaa warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ku shaaciyay inuu iska casilay kursiga mar kale loo doortay.

11/18/2021 12:32 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay labadii weerar ee lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar iyo dad rayid ah oo ka dhacay Kampala Talaadadii.