4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 1 , 2021
Kuraastii ugu horeeysay doorashada Aqalka Hoose oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho


Isniin, November 1, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah Xarunta Tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho loogu doortay kursigii ugu horeeyay ee doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi ee Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kursiga uu goordhaw ku guuleystay Mahdi Maxamed Guuleed oo tirsigiisu yahay HOP239, waxaa kula tartantay Mushtaaq Ibraahin Yuusuf, waxaana codeynayay 101 Ergo oo la soo xulay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay natiijada codeyntii doorashada ayaa sheegay in Mahdi Guuleed uu helay codad gaaraya 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahin ay heshay 3 cod, islamarkana hal cod uu halaabay.

Waxaa sidoo kale daqiiqado kadib la doortay kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP237, kaasoo ay ku wada tartameen Biixi Iimaan Cige oo ahaa Xildhibaankii kursiga ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Cabdiraxmaan Xasan Ismaciil, waxaana ku guuleystay kursiga oo markale Xildhibaanka afarta sano soo socota noqday Iimaan Biixi Cige oo helay 91 cod, halka Cabdiraxaan Xasan uu helay 9 cod.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray labada Xildhibaan ee maanta doorashadioda ka qabsoontay xarunta Tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

"Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan"ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Doorashada labada kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho ayaa bilow u ah 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada  Waqooyi, islamarkaana lagu dooran doono gudaha magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]