4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka Soomaaliya
 

Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen , oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka ayaa horey usoo noqday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha isla markaana ahaa Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran ee Uu Ra’iisul-wasaaraha ka ahaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Magacaabiista ayaa ka dambeysay ka dib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu bishii April isku beddelay Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, balse waxaa magacaabiista iska casilay Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]