4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Amiirka Qatar iyo madaxweyne Farmaajo oo khadka talleefoonka ku wada hadlay

 

Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Iyadoo labadii cisho ee la soo dhaafayba magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen wafdi heer sare oo ka socda dowladda Qatar, ayaa dhinaca kale waxaa wada hadal khadka talleefoonka ah yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani 

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladdood sida lagu daabacay wakaalada wararka Qatar ee QNA.

Ergayga gaarka ah ee ka socda dalka Qatar ayaa la sheegay in  uu qoraal uu ka siday Amiirka Qatar uu soo gaarsiiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Labada mas'uul madaxweyne Farmaajo iyo amiirka dalka Qatar ayaa ka wada hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ee ka dhalatay xiisada siyaasadeed ee doorashada.

Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha saameynta weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan waxaa lagu tiriyaa in ay si weyn ugu dhaw dahay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa maalmahan booqasho ku joogay Soomaaliya, waxaana uu shirar kala duwan la yeeshay madaxda dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]