4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Wiil 3 cisho ku jiray sagxada balli biyood uu ku qarqoomay oo maydkiisa lasoo saaray
 

Isniin, May, 3, 2021 (HOL) - Maydka Khadar Ciidle Nuur oo aha wiil 17 jir ah, ayaa laga soo saaray balli ku yaala dagmada Geed-baladh ee gobolka Gabilay, halkaasi oo uu ku jiray muddo 3 maal mood ah.

Badmaaxayaal ka socday Mansoor sea tourism, ayaa maydka biyaha kasoo saaray kadib markii ehelada iyo dadka deegaanku ay ku guul daraysten in ay maydka soo saaran.

Ehelada marxuumka ayaa tan iyo markii uu wiil koodu biyaha ku qarqoomay dul taagna balliga iyadoo tab iyo xeeladkasta oo la adeegsaday lagu guul daraystay in laga soo saaro, biyaha balliga oo aad wayna awgeed.

Hotelka Maansoor ee magaalada Berbera, ayaana maanta usoo diray kooxda badmaaxayaal ah oo ku guulaystay in ay maydka biyaha kasoo saaran 3 cisho kadib markii uu qarqoomay.

Wiil kan ayaa noqonaya kii labaad ee balli biyood ku qarqooma muddo laba cisho gudaheeda gudaha Somaliland, kadib markii shalay maydka wiil kale laga soo saaray balli ku yaala duleedka galbeed ee Hargaysa.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]