3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble war ka soo saaray maalinta Xorriyada Saxaafadda

 

Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa maalinta xorriyada saxaafadda Aduunka awgeed hambalyo u dirray dhamaanba suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Maanta oo kale sanad walba 03 bisha May waxaa dunida oo idil laga xusaa maalinta Xorriyada Saaxafadda Dunida.

Qoraal uu soo saaray Ra'iisal Wasaare Rooble ayuu ku yiri '' Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka awgeed waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed,waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan,dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin”.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo la dardaarmaya Saxaafadda ayaa sheegay in ay ka  go’antahay  in la dhowro bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu gelayo xaallad doorasho, taas oo saxafiyiintana saaraysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo la turxaan bixiiyay.

Sidoo kale hambalyo taa la mid ah waxaa bahda warfaafinta u dirray Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
5/3/2021 3:11 PM EST
Isniin, May, 3, 2021 (HOL) - Maydka Khadar Ciidle Nuur oo aha wiil 17 jir ah, ayaa laga soo saaray balli ku yaala dagmada Geed-baladh ee gobolka Gabilay, halkaasi oo uu ku jiray muddo 3 maal mood ah.

5/3/2021 10:17 AM EST
Isniin, May, 3, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster oo uu weliyo madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown.

5/3/2021 9:29 AM EST
Isniin, May, 3, 2021 (HOL) - Xogeeyaha warfaafinta ee xisbiga Waddani Maxamuud Cabdi Jamac (Xuuto), ayaa sheegay in madama oo musharax Waddani ah loo xidhay in uu Muqdisho tagay ay iyaguna dacwad taa lamida ka gud binayaan musharixiin Kulmiye ah.

5/3/2021 8:32 AM EST
Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

5/3/2021 7:44 AM EST
Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Duraan Axmed Faarax ayaa si wadajir ah maanta xarigga uga jaray Taawarka garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.

5/3/2021 7:33 AM EST
Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Beeraha Maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cumar Ceymooy ayaa walaac xoogan ka muujiyay fatahaad ku dhufatay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar iyo Nawaaxigeeda.

5/3/2021 7:13 AM EST
Isniin, May, 03, 2021 (HOL) - Guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa bogaadiyay go'aankii dhowaan uu soo saaray baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17 September 2020.

5/3/2021 2:21 AM EST
Isniin, May 03, 2021 (HOL) - Maanta oo Isniin ah ayaa lagu waddaa in Wafdiga ka socda dowladda Qatar ee ku sugan magaalada Muqdisho kulan la yeeshaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada.

5/3/2021 1:49 AM EST
Isniin, May 03, 2021 (HOL) - Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay qaadaan ama qafiifiyaan qeybo ka mid ah xayiraada saaran xanuunka Covid 19 waxaana shalay laga qaaday dalka Portugal xanibaadihii saarnaa.