4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Puntland oo xukun dil ah ku riday 5 nin oo la sheegay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay dilalka iyo qaraxyada Gaalkacyo
 

Axad, May 02, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridey shan nin oo lagu helay in ay ahaayeen horjoogayaal katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaabilsanaa amarada iyo qorsheynta dilalka iyo qaraxyada magaalada Galkacyo.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in ay raggaan muddo 13 sano ah masuul ka ahaayeen dilal joogto ah oo loo geysanayay saraakiil ami, masuuliyiin iyo dad haldoor ah oo lagu dilay Gaalkacyo.

Waxaa lasoo bandhigay muuqaallo laga duubay raggaan oo ay ku qirayaan in ay katirsan yihiin Alshabaab iyo falalkii ay ka geysteen Gaalkacyo, inkastoo qeybtood markii maxkamadda la horkeenay ay dafireen.

Ragga la xukumay waxaa lagu kala magacaabaa.

Maxamed Xaashi Muumin (Abu Dhayib), Cabiqaadir Axmed Ummal (Abu Cabdalla), Maxamed Cali Cowke (Jeeri), Qaasim Jeylaani Alturaabi, Maxamed Cabdullaahi Ayaanle (Abeyle).

Maxkamada ciidamadda ayaa dhinaca kale xoriyadooda usoo celisay afar nin oo lagusoo eedeeyay in ay katirsan yihiin Alshabaab, balse lagu waayay wax dambi ah.

Dhawaan ayay ahayd markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday shan nin oo lagu sheegay in ahaayeen raggii fulin jiray dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka dhaca Gaalkacyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online