3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo kulan la qaatay ergeyga Qatar Al- Qahtani

 

Axad, May, 02, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa kulan la qaatay ergey ka socda dowladda Qatar  Dr. Mutlaq Al-Qahtani.oo xalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra'iisal Wasaare Rooble iyo  Dr Al-Qahtani. ayaa ka wada hadlay khilaafka siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee Dowladda Dhexe iyo dhinacyada mucaaradka, isaga oo balanqaaday in dowladda Qatar is barbar taagi doonto doorasho wadar ogol ku dhacda.

Dr. Mutlaq Al-Qahtani. ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sarreeyay ee ka socda Qatar oo soo gaara magaalada Muqdisho tan iyo markii ay soo ifbaxday xiisada siyaasadeed ee ka dhax taaggan dowladda dhexe ee dhinacyada mucaaradka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
5/2/2021 3:37 PM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa caawa shir ku yeeshay xubo ka tirsan midowga Musharixiinta iyo wafdi ka socda dowladda Qatar oo xalay soo gaaray Muqdisho.

5/2/2021 2:27 PM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridey shan nin oo lagu helay in ay ahaayeen horjoogayaal katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaabilsanaa amarada iyo qorsheynta dilalka iyo qaraxyada magaalada Galkacyo.

5/2/2021 2:13 PM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, oo kawajabaya eedo losoo jediyay, ayaa yidhi “dadka booliiska eedaynayaa waa dad doonaya in ay sharciga gacmahooda ku qaatan maalinta doorashada”.

5/2/2021 11:00 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble kulan waddatashi ah iskugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir 20-ka bishan May.

5/2/2021 9:31 AM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Waalidiinta 6 arday oo loo haysto in ay abaabuleen rabshadihii dugsiga Nuradiin ee magaalada Hargaysa ka dhacay 3, Maarso, ayaa sheegay in loo diiday in ay caruurtooda xabsiga ku booqdaan.

5/2/2021 9:20 AM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Xarunta xuquuqal insaanka madaxabanaan ee Somaliland, ayaa booliska ku eedeesay in ay si sharci daro ah u xidheen musharixiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka iyo wariyayaal.

5/2/2021 9:05 AM EST
Axad, May, 02, 2021 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho soo gaaray ergay gaar ah oo ka socda dowladda Qatar Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani kaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada.

5/2/2021 7:53 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Jubbaland ayaa ku eedeeysay madaxweyne Farmaajo in uusan doonayn inuu arrimaha amniga ku wareejiyo raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xukuumadiisa loo igmaday inay la wareegto masuuliyadda doorashada iyo amniga.

5/2/2021 6:48 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhoweeyay in RW Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka.

5/2/2021 2:58 AM EST
Axad, May, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa taliyaha booliska Somaliland ku eedeeyay in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidi argagixisada.

5/2/2021 1:45 AM EST
Axad, May 02, 2021 (HOL) - Bayaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa kagy sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taas oo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.