4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 2 , 2021
Jubbaland: Wax shir ah kama qeyb galayno ilaa madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ka wareejiynayo amniga guud
 

Axad, May 02, 2021 (HOL) - Jubbaland ayaa ku eedeeysay madaxweyne Farmaajo in uusan doonayn inuu arrimaha amniga ku wareejiyo raysal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed  Xuseen Rooble oo xukuumadiisa loo igmaday inay la wareegto masuuliyadda doorashada iyo amniga.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Eng, Cabdi Xuseen ayaa caddeeyay   in aysan Jubbaland ka qeyb gali doonin shirka raysal wasaaruhu isugu yeerayo saxiixayaashii heshiiskii 17 september, haddii madaxweyne Farmaajo uu wareejin waayo arrimaha amniga   

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay madaxweyne Farmaajo inuu doonayo inuu gacmaha kula jiro arrimaha socda uuna rabo inuu raysal wasaaraha ku shaqeeyo rabitaankiisa.

“Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ciidamada isaga ayaa maamula, waana la is horfadhiyaa. Haddii ay daacad ka tahay wareejinta ammniga, waa inuu qoraa warqad uu ku caddaynayo inuu wareejiyay amniga doorashada. Raysal wasaaruhuna waa inuu ciidamada is hor fadhiya kala qaado,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Jubbaland ayaa kamid ah maamulada uu khilaafka xooggan kala dhaxeeya dowladda federalka Soomaaliya, waxayna isku hayaan arrimaha gobolka Gedo. Jubbaland waxay doonaysaa in dowladdu faraha kala baxdo arrimaha Gedo oo loo madax bannaaneeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online