4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Hal qof oo ku dhintay balli ku yaala duleedka koonfureed ee magaalada Hargaysa
 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Hal wiil ayaa ku nafwayay balli ku yaala deegaanka Isha-gobka, ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargaysa sida lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland.

Warbixinta dab-damiska ayaa lagu sheegay in ehelada marxuumku ay ciidanka soo wargaliyeen xili danbe oo uu dhintay, isla markaana ay ciidanku maydka balliga kasoo sareen.

“Ehelada marxuumka ayaa ciidanka dab-damiska caasimada Hargaysa ku soo wargaliyay, balse waxay ciidanka usoo sheegeen wakhti danbe” ayaa lagu yidhi warbixinta.

“Ciidanka dab-damiska yaa ku guulaystay in ay marxuumka oo dhoobada hoose ku dhagtay biyaha kasoo saran” ayaay warbixintu kusii dartay.

Tirada dadka ku dhimanaya balliyada ayaa korodhay deegaanada Somaliland tan iyo markii uu bilaabmay xili roobaadka Guga.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]