4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Wafti ka socda dowalada Qatar oo Hargaysa lagu soo dhaweeyay
 

Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland liibaan Yusuf Cisman, ayaa qaabilay wafti uu hogaaminayo ergayga gaar ka ah ee wasiirka arrimaha dibada ee Qatar u qaabilsan ladagaalanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka DR. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.

Dowladu ilaa iyo hada wax faah faahina kamaysoo saarin u jeedada socdaalka ergayga iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen labada dhinac.

Majirin xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeeyay Somaliland iyo Qatar waxanu xidhiidh koodi sii xumaaday wakhtigii lagu jiray xurguftii u dhaxaysay waddamada Khaliijka iyo Qatar markaasi oo ay Somaliland la safatay Sacuudiga iyo  UAE.

Hadaba socdaalka waftigan ka socda dowlada Qatar ay Somaliland ku yimaadeen ayaa kusoo beegmaysa xili uu soo hagaagayo xidhiidhka Qatar iyo waddamada Khaliijka.
 
Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]