4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2021
Maxkamada sare ee Soomaaliya oo joojisay dhegaysiga dacwadaha Covid-19 awgiis

Khamiis, Maarso, 04, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in la joojiyay dhamaan dacwadaha marka laga reebo dacwadaha Ciqaabta ah inta lagu guda jiro faafitaanka cudurka Covid-19.

Guddoomiyaha maxkamada sare ayaa sheegay in go'aankan lagu taageerayo dadaalada ay wado wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ee lagu xakamaymayo faafitaanka caabuqa halista ah ee Covid-19.

Go’aankan ayaa dhaqan galidoona maalinta sabtida ah oo taariikhda ay ku beegan tahay lixda bishaan Maarso.

Garsoorayaasha ayaa lagu amray in ay dacwadaha ku dhegaystaan qolal gaar ah oo loogu talo galay dacwadaha oo kaliya.

Maxkamadu waxay sidoo kale amartay in la joojiyo booqashada dadweynaha ee xabsiyada, si looga feejignaado in maxaabiista loo gudbiyo Covid19.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]