4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday
 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL)- Allaha u naxariiste waxaa galinkii dambe ee maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Dhimbil  ayaa ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana haleelay Cudur safmarka ah COVID-19, ee sida weyn ugu sii faafaya gudaha magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanayay Muqdisho, sida aay Shabakadda HOL u xaqiijiyeen geeridiisa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Allah u naxariiste Xildhibaan Axmed Dhimbil geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kuwaas oo soo saaray qoraalo aay uga tacsiyadeeynayaan geerida Xildhibaanka dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe.

Allah u naxariiste Xildhibaan Casoowe ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Xildhibaanada ugu da'da weyn Baarlamaanka Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]