4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Beesha caalamka oo bogaadisay wada hadallada Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta

 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) -Qoraal ka soo baxay saaxiibada caalamka ayaa lagu booriyay dhinacyada Soomaalida oo idil in ay sii anbaqaadaan wada hadal kasta oo xal loogu raadinayo qabashada doorasho loo dhan yahay.

Beesha caalamka ayaa boggaadiyay wada hadallada Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta iyaga oo dhinaca kalana ku baaqay in  dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay isugu yimaadaan shirkii la sugayay ee arrimaha doorashada iyadoo la fulinayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho, lana eegaayo soo jeedintii ay guddiga farsamada ee 15-ka iyo 16-ka February ku shiray magaalada Baydhaba.

Qoraalka Beesha caalamka ayaa u dhignaa siddan '' Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo Dowlad Gobolleedyada in ay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.”

Warkan ka soo baxay Beesha caalamka ayaa imaanaya xili habeenimadii xalay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya mar kale Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir leysugu yeeray shir Khamiista ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]