4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
Wariye caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) -- Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan toogasho ku dileen alle ha u naxariisteen Wariye Jamaal Faarax Aadan

Toogashada wariyaha ayaa ka dhacday goob meherad ah oo uu lahaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaddib markii dhalinyaradan dishay iska dhigeen dad doonayay in ay wax ka iibsadaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in labo dhalinyaro ah ugu yimaadeen goobtiisa ganacsiga iyaga oo isaga dhigayay dad wax ka iibsanaya laakiin markii danbe rasaas ku fureen.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca hay'addaha nabadgalyada oo la xiriira dilka Wariyaha oo ka mid ahaa bahda warfidiyeenka oo muddo dheer ka shaqeynayay magaalada Gaalkacyo

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]