4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
Cabdirxmaan Cabdishakuur: Raysal Wasaare Rooble waa inuu si degdeg ah usoo faro galiyo arrinta dhalinyarada Eritrea ku maqan
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Hoggamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay inuu si degdeg ah u soo faro galiyo walaaca laga muujinayo bedqabka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay warbixin caalami ah oo kasoo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ay meesha ka saartay shakigii laga qabay in dhalinyaradii loo qaaday Etrirea ay ka qeyb qaateen dagaaaladii ka dhacay waqooyiga Ethiopia.

“Way dhamaatay xilligii laga dhuumanayay masuuliyadda. Waxaan dalbanaynaa in waalidiinta jawaab la siiyo. Waxaan dalbanaynaa in dowladdu ka jawaabto wiilashii iyo gabadhihii Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea. Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisu dhamaaday inuu bannaanka soo istaago oo uu masuuliyaddaas qaato,” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa sheegay in markii horeba aan dhalinyaradan lagu qaadin nidaam sharciga waafaqsan islamarkaana ay dowladdu ka meer meerayso in ay jawaabta saxda ah siiyo waalidiinta ubadkooda ka maqan yihiin.

“Waxaan rabaa in aan hadda la hadlo raysal wasaaraha. Waxaan ka rabnaa inuu waalidiinta la kulmo. Waxaan rabaa inuu arrintaas ka gambanin oo uu jawaab waafi ah ka bixiyo ciidanka Soomaaliyeed ee  ku maqan Eritrea iyo mowqifkiisa kaga aadan,” ayuu yiri Cabdiraxman Cabdishakuur.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixin uu soo saaray xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadii Soomaaliya ee tababarka ciidan ku qaadanayay dalka Eriteriya, ay ka qeyb qaateen dagaalada ka dhacay gobolka Tigray ee dalka itoobiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online