4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
QM oo daboolka ka qaaday in dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalada gobolka Tigray
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Warbixin uu soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadii Soomaaliya ee tababarka ciidan ku qaadanayay dalka Eriteriya, ay ka qeyb qaateen dagaalada ka socda gobolka Tigray ee dalka itoobiya.

Warbixintan ayaa waxay xaqiijineysaa sheegashooyinkii hore ee waalidiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ka cabanayay in wiilashooda dowladdu tababarka ugu qaaday dalka Eritrea, loo daabulay Ethiopia si uga qeyb galaan dagaalka gobolka Tigray.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan cadeymo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in askar badan oo Soomaaliyeed loo daabulay dalka Ethiopia iyagoo qeyb ka ah xoogaga Eriterea ee xoojinayay ciidamada Ethiopia.

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigreega, Ergeyga Gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryaha tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigray, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen xadka Itoobiya, ”ayaa lagu yiri warbixinta qeyb ka mid ah.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxay intaas ku dartay in Dagaalyahano Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum. Hase yeeshe dowladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya muwaadiniinteeda ka dagaalamaya Tigray.

Si kastaba ha ahaatee Guddiga Xiriirka Dibadda ee barlamaanka Aqalka Hoose ayaa dalbaday bishii Janaayo  Madaxweyne Farmaajo in uu caddeeyo arrintan isla markaana koox xaqiiqo raadin ah loo diro Eritrea si ay u soo xaqiijiyaan wararkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online