4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 8 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya weerar Al-shabaab ka geysteen duuleedka magaalada Mandhera
 

Talaado, Juun, 8, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-shabaab aay weerar ku qaadeen goob aay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo ku taala Waqooyiga Mandheera.

Booliiska Kenya sheegay in Shabaab aay soo weerareen meel boosteejo ah oo gaadiidka laga raaco oo ku taala tuulada lagu magacaabo Olla ee ku taala duleedka Waqooyi ee magaalada Mandhera.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dagaal ka dhacay tuulada uu ku dhintay Imaam Masajid oo magaciisa lagu sheegay Imaam Macalin Cabdullaahi waxaana sidoo kale halkaasi uu dhaawac kasoo gaaray laba askari oo ka tirsan Booliiska dalka Kenya.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarka aay ku qaadeen deegaanka Olla ayaa sheegteen iney halkaasi ku dileen 3 askari oo Kenyan ah, islamarkaana aay soo furteen 5 qori muddo koobana aay la wareegeen gacan ku heynta tuulada Olla ee Waqooyiga Mandhera.

Dagaalamayasha Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan ka dhex geystaha gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaanada Waqooyi bari Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]