4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Maxay tahay sababta ka danbaysa in haweenka Somaliland anay kusoo bixin doorashooyinka­?
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - 25 kamid ah 28 haween ah oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka, ee 31 May looga dareeray Somaliland, ayaa ku guul daraystay in ay ku soo baxaan jagooyinki ay u ordayeen.

Sababta keentay in dumarku ay doorashooyinka kusoo bixi waayaan ayaa loo aaneeya dhaqanka bulshada Soomaalida oo aan aqoon sanayn hogaaminta hablaha, sababo dhaqaale iyo xisbiyada oo aan ahmiyad siin hablaha.

Sucaad Carmiye Odowaa oo u sharaxnayd xildhibaan golaha wakiilada ah ee gobolka Saaxil, oo aan kusoo bixin kursigii ay u cararaysay ayaa sheegtay in bulshadu anay aqoonsanayn in gabadhu hogaamiye noqon karto.

Sucaad oo  ka sheekaysay caqabadihi ay kala kulantay wakhtigii ay doonysay in ay is sharaxdo, ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka ee reer keedu anay siin ahmiyad lamid ah ta ay siinayeen musharixiintii rag aha.

“Reer kastaba nin bay galbinayaan, waxan arkay odayaashi jufadayda ka socday oo nin wata, albaabkii baa la xidhay hool baa la galay, waxa la yidhi inantu ma waxay rabtaa in ay waxa soo rag ah la fadhiisato” ayay tidhi Sucaad.

“Waxay iloobeen meeshan u socdaa in ay tahay meeshi ragu fadhiyi jireen, 60 nin ba meeshi fadhistay markasa nin waliba keenay qofkuu waday, nin baa kacay oo yidhi inantii halkanay inoo fadhidaaye maxan ka yeelaynaa”.

“Markii ay go’aan kii dhamaysteen ayay yidhaahdeen waar 8 oday u dira oo meel halkanay fadhidaaye duco kusii tuura” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Muna Maxamuud Cabdi (Toosane) oo ah gabadh saxafiyad ah isla markaana kamid ahayd koox haween ah oo isku xilqaamay inay dhaqaale u ururiyaan dumarka musharixiinta ah, ayaa caqabadaha haweenka haysta ku tilmaantay qaar dhaqan iyo dhaqaale.

“Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya uma taageeraan haweenka musharixiinta ah sida ay u taageeraan raga musharixiinta ah” ayay Muna HOL u sheegtay.

Sababaha ugu waa way ee caqabaha ku ah haweenku in ay usoo baxaan kuraasta doorashooyinka ayaa lagu sababeeyaa dhaqaale la’aan haysata iyo ilo dhaqaale oo anay helin, waxa la sheega in dumarku anay helin tageerada dhaqaale ee ay ragu helan.

“Dumarku ma haystaan dhaqaale badan oo ay ku kasbadaan codbixiyayaal, ragu waxay isticmaalayeen dhaqaale badan oo ay xataa dadka qaarkood codka ka iibsanayeen” Muuna ayaa markale sida HOL u sheegtay.

DR. Adna Aadan Ismaaciil ayaa mid kamida caqabadaha haweenka hortagan ku sheegtay in tahay in xisbiyadu ku guul daraysteen in ay ahmiyad siiyaan haweenka musharixiinta ah.

“Haweenkii usoo baxay doorashooyinka xisbi kaliyihi kuma tun tuunsan in uu mid iyo laba kasoo saaro xisbiga, hadii xisbi kali ahi soo saari laha mid iyo laba markhaati bay u noqon lahayd dimuquraadi nimadisa lakin way garan waayen” ayay tidhi DR. Adna.

Haweenka Somaliland ayaa 30 sano ee ay Somaliland jirtayba aad ugu yaraa golayaasha laga go’aamiyo masiirka bulshada, marar badana aan kaba soo dhex muuqan, doorashadan oo aad loogu hanweyna in dumar badani soo bixi karaan iyaa iyada anay dhicin.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]