3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Faahfaahin kasoo baxeysa qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Balcad
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu halkaasi ka dhacay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

Qaraxa miinada ayaa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee iskuulka sare ee degmada Balcad, kaasoo uu ka socday Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Hal askari oo ka mid ahaa askartii ilaalineysay iskuulka imtixaanka ka socday ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa miino oo dhacay xili imtixaanka u fadhiyeen ardayda, kaaso la sheegay inuu argagax ku beeray ardayadii imtixaanka u fadhisay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Balcad oo ku saabsan qaraxa miino ee maanta ka dhacay afaafka hore ee iskuulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/7/2021 3:53 PM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - 25 kamid ah 28 haween ah oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka, ee 31 May looga dareeray Somaliland, ayaa ku guul daraystay in ay ku soo baxaan jagooyinki ay u ordayeen.

6/7/2021 10:49 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Hay'adda Sirdoonka Maaliyaddeed ee Imaaraatka Carabta ayaa la saxiixatay heshiis is afgarad ah waaxda Sirdoonka Maaliyadeed ee Bangladesh iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

6/7/2021 10:17 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay afduubayaan xoriyada mudanayaasha lasoo doortay.

6/7/2021 8:15 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Amniga maamulka Jubbaland oo bishiiba mar qabsoomo kaasoo looga hadlo xaalada amaanka guud ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

6/7/2021 7:38 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed axmed Alcuthman.

6/7/2021 5:41 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo Barakacayaasha.

6/7/2021 1:06 AM EST
Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Ilaa lix Caruur ah oo kusoo dhaawacmay duqeymo culus oo diyaaradaha Kenya dhawaan ka geysteen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.