4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Maamulka Jubbaland oo ka shiray amaanka deegaanadooda kana hadlay duqeymahii dhawaan ka dhacay Gedo
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Amniga maamulka Jubbaland oo bishiiba mar qabsoomo kaasoo looga hadlo xaalada amaanka guud ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay golaha wasiiradda ee qeybta ka ah golaha amniga iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada Jubbaland, kuwa Xoogga dalka iyo waliba ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo aay ka mid yihiin xoojinta la dagaalanka Al-shabaab, ka xoreynta deeganada aay kaga sugan yihiin maamulka Jubbaland iyo waliba u diyaar garowga Amniga doorashooyinka dalka qeybta kaga aadan maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay oo lagu Cambaareeyay dueymahii dhawaan ka dhacay deeganka Ceelcade ee gobolka Gedo, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay duqeymahaasi hooyo iyo canugeeda waxaana ku dhawaacay ku dhawaad 10 caruur ah oo lix ka mid ah shalay galinkii dambe dhaawacooda la geeyay Muqdisho.

Ugu dambeyntii maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney wax ka qabato duqeymaha ka dhaca deegaanada maamulka Jubbaland oo jnta badan ku wax yeeloobaan dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]