3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 6 , 2021
Barkhad Jaamac Batuun “Majiri doonto waa laga tiro badanyahay, waala yasaa, waala hayb-soocaa”
 

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo warbaahinta la hadlay ayaa guushiisa ku macneeyay in ay tahay mid jabisay dayrkii qablayada, hayb-sooca iyo yasitaanka isla markaana ay tahay astaan qaran.

Barkhad oo la hadlaya shacabkii doortay ayaa yidhi “shacabka ku dhaqan gobolka Maroodijeex, magaalada Hargaysa, degmo kasta oo aad dagantihiin, waxan idiin hayaa abaal iyo ogaal”.

“Walaalayal waxaad iga dhigteen astaan qaranka Somaliland uu leeyahay, waxan idiin balan qaadayaa in aan noqon doono adeege umadeed”.

Barkhad oo sigaara u hadlayay bulshada ku dhaqan deegaanka uu kasoo jeedo, ayaa sheegay in doorashadiisu ay burburisay qabyaaladii iyo haybsooci.

“In badan baa layna laha waa laga tiro badanyahay oo aynu aqbalay, in badan baa la laha waala hayb-sooca oo aynu aqbalay, maanta waxaynu duminay dayrkii dulmiga” ayuu yidhi.

“Waxaynu muujinay muruqeena, maskaxdeena iyo muwaadin nimadeena, waxaynu muujinay macnaha aynu dalka ku leenahay”.

“Majiri doonto waa laga tiro badanyahay, ma jiri doonto waala hayb-sooca, ma jiri doonto waala yasaa, gob ayaad tihiin, idinka dadka ugu sareeya, meel ka sokaysa in aad muwaadiniinta Somaliland tihiin oo aad qabsatan yayna jirin” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waa markii ugu horaysay ee bulshada uu Barkhad Jamac Batuun kasoo jeedo matalaad ku yeelan doonaan golaha wakiilada Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
6/6/2021 1:46 PM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen eedeysane Bashiir Cabdi Xasan oo dhawaan la sheegay inuu Xaaskiisii Salaado Faarax Cali uu ku dilay degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir.

6/6/2021 12:40 PM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxa howlgalka Soomaaliya ee hay’adda Socdaalka adduunka ee IOM, Richard Danziger.

6/6/2021 10:10 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi dheere, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay xaq uleeyihiin in ay is bahaystaan.

6/6/2021 8:48 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ay ku guulaystay in shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer aysan ka qeyb galin doorashooyinka Somaliland ee heer barlamaan iyo heer deegaan.

6/6/2021 8:29 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo kasoo jeeda bulshada loogu yeedho “beelaha lahayb sooco” oo aan abid matalaad ku yeelan golayaasha Somaliland, ayaa guul taariikhi ah kaso hooyay doorashadii wakiilad ee Somaliland.

6/6/2021 7:19 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo goordhaw Shirjaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga horyimid hanaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed aaysan waxba ka duwaneen qaabkii horay loogu magacaabay.

6/6/2021 6:53 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL)- Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa ku dhawaaqay in ay ku midoobeen isbahaysi siyaasadeed, oo ay xisbiga Kulmiye kagala wareegayaan aqlabiyada golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

6/6/2021 2:08 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Guddigii uu Raysal wasaaraha Soomaliya dhawaan u xilsaaray soo xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka dalka ee tabashada laga soo gudbiyay ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashoyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed.

6/6/2021 1:59 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa jawaab kasoo saaray bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku saabsan in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo aan kala sooc lahayn la beegsadeen dadka rayidka ee gobolka Gedo.

6/6/2021 12:32 AM EST
Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) - Natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee degmada Hargaysa iyo gobolka Maroodijeex, oo aad loo sugayay ayaa lagu dhawaaqay.