3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Somaliland: Mid kamida degmooyinka aad ka loo sugayay oo lagu dhawaqay natiijada doorashada
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Koomiishanka doorashooyinka ee heer degmo, ayaa ku dhawaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabilay.

Natiijaa hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmada Gabilay, xisbiga Kulmiye ayaa hogaaminaya oo helay 5 xildhibaan, halka xisbiyada UCID iyo Waddani ka heleen min 4 xildhibaan.

Degmada Gabilay ayaa kamid ahayd degmooyinka ay saddexda xisbi aadka ugu loolamayeen, xisbi kastaana uu ku taamayay in uu helo aqblabiyada golaha degmada ee Gabilay.

Gabilay ayaa ahayd meelihii uu xisbiga Kulmiye codadka ugu badan ka helay doorashadii madaxweynaha ee 13/ November/ 2017 waxana la saadaalinayay in xisbiga Kulmiye uu tiro xildhibaano ah oo aad u badan ku hogaamin doono caqlabiyada golaha deegaanka degmada.

Ma dhicin caqlabiyadii balaadhanayd ee la filayay in uu Kulmiye ku hogaamiyo golaha deegaanka ee Gabilay, saddexda xisbina waxay ka heleen tiro xildhibaano ah oo aan farqi badani u dhaxaynin.

Ilaa iyo hada waxa hadhay oo aan lagu dhawaaqin oo kaliya xubnaha golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex iyo xubnaha golaha deegaanka ee degmada Hargaysa, waxana la rajaynaya in lagu dhawaaqo maanta ilaa caawa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]  
    













Click here
6/5/2021 1:09 PM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax xoogan oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

6/5/2021 12:55 PM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Xafiiska imtixaanaadka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in 19 bishan Juun loo fadhiisan doono imtixinaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad iyo 4aad.

6/5/2021 9:12 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dad badan oo diidan horumarka Puntland ay isku dayayaan in ay ka hor yimaadaan nidaamka xisbiyada badan oo ay Puntland uga guurayso midkii qabaliga ahaa.

6/5/2021 8:21 AM EST
gobolka Banaadir, kaaso ka dhacay meel aad u mashquul badan oo aay ku yaalaan Boosteejo gadiidka laga raaco iyo waliba suuq lagu iibiyo Hilibka iyo Malaayga una dhaw isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

6/5/2021 6:47 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo dhowaan ka da'ay guud ahaan Soomaaliya ayaa saameeyay dad lagu qiyaasay 400,000 oo ku nool 14 degmo tan iyo dabayaaqadii bishii Abriil, sida ay sheegtay hay'adda gargaarka ee Qaramada Midoobay.

6/5/2021 6:39 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa amar ku siiyay musharixiinta guulaystay in anay qabsan wax debbaal dagyo ah.

6/5/2021 1:53 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Ex-koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

6/5/2021 1:35 AM EST
Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay duqeymaha diyaaradaha Kenya ay ka geysteen gobolka Gedo ee Soomaaliya oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah.