3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2021
Muqdisho : 5 dhalinyarro ah oo ku dhintay xeebta Liido, kuwaas oo qaar maydkooda lala yahay

Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Meydka afar dhalinyaro ah ayaa kusoo caariyey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegey in mid kale la la’yahay tan iyo khamiistii markii ay dabaal u aadeen xeebta Liido.

Dhalinyaradan ayaa qaar kamid ah waxay kamid ahaayeen ardaydii dhameysatay imtixaanaadka shahaadiga ee sanadkaan, iyagoo ka qalin jabinayay dugsiyada sare ee dalka.

Qoysaska dhalinyaradan ayaa tan iyo maalintii uu falkaan dhacay waxay ku gaaf wareegayeen xeebta Liido, si ay nolol iyo geeri u helaan ubadkooda.

Saddex kamid ah maydadkooda ayaa la helay isla maalintii khamiista, halka mid kalena ay maanta xeebtu soo caarisay. Welise waxaa maqan midkii shanaad oo la baadi goobayo.

Dhalinyarada geeriyooday oo la sheegay in ay ahaayeen saaxiibo ka wada tirsan koox kubada cagta ah oo ka dhisan degmada Yaaqshiid, ayaa maalintii khamiistii xeebta u tagay si sawirro ugusoo galaan.

Hase ahaatee, markii dambe qaar kamid ah ayaa ku taliyay in ay xeebta ku dubaashaan, taasoo keentay in qeybtood ay baddu la tagto.

Waalidiinta dhalay ayaa dowladda ku eedeeyay in aan masuuliyad la iska saarin badbaada boqolaalka dhalinyaro ee xeebta u dalxiis taga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online














Click here
6/4/2021 1:10 PM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - koomishanka doorashooyinka Somaliland ee heer gobol iyo heer degmo, ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Saaxil iyo doorashada golaha deegaanka degmada Berbera.

6/4/2021 11:07 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya geysay barahii koontaroolada aay ku sugnayeen ciidanka Asluubta Soomaaliya ee dhawaan rasaaseeyay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

6/4/2021 9:18 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay dagaalo xoogan oo ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

6/4/2021 6:03 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Guddida doorashooyinka heer gobol, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada golaha wakiilada ee gobolada Togdheer iyo Awdal.

6/4/2021 2:23 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka hadlay dadaalada uu raysal wasaaraha Soomaaliya ku doonayo in lagu xaliyo tabashada reer Hiiraan aay ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

6/4/2021 2:20 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Borama iyo Burco, sidoo kalena waxa lagu dhawaaqay natiijada golaha baarlamaanka ee gobolka Sanaag.