3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 4 , 2021
Somaliland: Natiijada doorashada golaha wakiilada ee 2 gobol oo lagu dhawaaqay
 

Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Guddida doorashooyinka heer gobol, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada golaha wakiilada ee gobolada Togdheer iyo Awdal.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Togdheer,  xisbiga Waddani ayaa hogaaminaya oo helay 7 xildhibaan, halka xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay ka heleen 4 iyo 4 xildhibaan.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Awdal xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, ayaa helay xildhibaano isku mid ah oo 5 iyo 5 ah, halka xisbiga UCID uu ka helay 3 xildhibaan.

Ilaa hada waxan lagu dhawaaqin oo la sugaya natiijada golayaasha baarlamaanka iyo deegaanka ee gobolada Maroodijeex iyo Saaxil, iyo natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee degmada Gabilay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
6/4/2021 1:10 PM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - koomishanka doorashooyinka Somaliland ee heer gobol iyo heer degmo, ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha wakiilada ee gobolka Saaxil iyo doorashada golaha deegaanka degmada Berbera.

6/4/2021 12:49 PM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Meydka afar dhalinyaro ah ayaa kusoo caariyey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegey in mid kale la la’yahay tan iyo khamiistii markii ay dabaal u aadeen xeebta Liido.

6/4/2021 11:07 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya geysay barahii koontaroolada aay ku sugnayeen ciidanka Asluubta Soomaaliya ee dhawaan rasaaseeyay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

6/4/2021 9:18 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay dagaalo xoogan oo ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray saacadahii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

6/4/2021 2:23 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka hadlay dadaalada uu raysal wasaaraha Soomaaliya ku doonayo in lagu xaliyo tabashada reer Hiiraan aay ka qabaan maamulka Hirshabeelle.

6/4/2021 2:20 AM EST
Jimco, Juun, 4, 2021 (HOL) - Waxa lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Borama iyo Burco, sidoo kalena waxa lagu dhawaaqay natiijada golaha baarlamaanka ee gobolka Sanaag.