4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa Kismaayo iyo Amaanka oo aad loo adkeeyay
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeybta deegaan doorashadooda tahay Jubbaland.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shalay si toos ah u diiwan geliyay8 xubnood oo ku tartamaya afar kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee la xiriirta doorashada Aqalka sare ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Kismaayo, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada Kismaayo.

Waxaa Kismaayo ku sugan xubno kala duwan oo ka kala socda guddiyada doorashada heer Fedaraal, kan Xalinta Khilaafaadka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo goob joogayaal ka noqonaya hanaanka ay u dhaceyso doorashada.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha maanta ku tartamaya doorashada Aqalka Sare ee Kismaayo ka dhaceysa:-

1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

Axmed Maxamed Jaamac

2: Xalimo Jaamac Maxamed

Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

3: Ilyaas Badal Gaboose

Maxamed Axmed Sayid

Sharmake Maxamed Cabdi

4: Ibrahim Yacquub Ismaacil

Iftin Xasan Iimaan

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]