3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Hoteelada magaalada Burco oo amaro lagu soo rogay
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxday wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco iyo guddida wanaag farista Burco, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 30 ka bishan, aan hoteelada Burco lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo.

"Waxa la farayaa hoteelada Burco laga bilaabo 30, 7, 2021 in ay joojiyaan dhamaan wixii ka hor imanaya shareecada Islaamka, waxana nu samaynay dhaqangalka amarkan cid daba gasha" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso warsaxafadeedka oo dhamaystiran:-


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online












Click here
7/28/2021 2:33 PM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - 5 ruux ayaa ilaa hada la sheegayaa in ay dhinteen halka tiro 10 ku dhow ay dhaawacmeen ka dib markii laba beelood dagaal ku dhex maray meel u dhow ceelka Sanga-jebiye oo ka tirsan degaanka Boocame ee gobolka Sool.

7/28/2021 12:52 PM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Wakiil ku xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaynta xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillahi ee ahayd in xukuumada Somaliland isku dayday in ay ku afduubto gudaha dalka Itoobiya iyadoo usoo dhexmaraysa xafiiska Somaliland ee Itoobiya.

7/28/2021 11:45 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa bilaabay diiwaangalinta qabashada codsiyada xubnaha musharaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya gaar ahaan qaybta Jubbaland.

7/28/2021 11:31 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay afduub ku haysato xildhibaan Ibraahin Maxammed Jaamac oo caan ku ah Khadar Guun.

7/28/2021 11:10 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Qaar kamida xildhibaanada isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay afduub uu xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo Kulmiye ka tirsani sheegay in Addis ababa ay xukuumada Somaliland ugu gaysatay iyadoo isticmaalaysa sirdoonka Itoobiya.

7/28/2021 8:17 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Boqortooyada Ingiriiska ayaa xoojineysa ka hortaga argagixisada iyo taageerada militari ee ay siineyso Kenya iyadoo labada dal ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo iskaashi dhanka difaaca ah oo shan sano ah.

7/28/2021 8:10 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax nabadeed oo ay shucuurtooda ku muujinayeen.

7/28/2021 6:18 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa u magacaabay madaxa Shaqaalaha NISA Cabaas Yacquub, kadib markii dhawaan xilkaasi laga qaaday Cabdullaahi Kulane.

7/28/2021 6:10 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa shaaciyay ku dhowaad $ 199 milyan oo gargaar bani'aadamnimo oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed, si looga jawaabo saamaynta cunto yarida, abaaraha, daadadka, Ayaxa iyo safmarka COVID-19.

7/28/2021 1:57 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

7/28/2021 1:51 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashooda tahay Jubbaland.

7/28/2021 1:11 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay u adeegsatay sirdoonka Itoobiya si loogu xidho magaalada Addis ababa xili uu safar ku joogay dalka Itoobiya.