4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Dagaal dad ku dhinteen oo ka dhacay Sanga-jebiye oo ka tirsan degaanka Boocame ee gobolka Sool
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - 5 ruux ayaa ilaa hada la sheegayaa in ay dhinteen halka tiro 10 ku dhow ay dhaawacmeen ka dib markii laba beelood dagaal ku dhex maray meel u dhow ceelka Sanga-jebiye oo ka tirsan degaanka Boocame  ee gobolka Sool.

Xiisadan ayaa sida la sheegayo ka bilaabmay degaamayn dhul cusub oo musooyinkii la soo dhaafay xaalad adag ka taagnayd.

Xidhiidho badan oo aan la samaynay Boocame iyo Garowe ayaa dhamaan aan si dhab ah u xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee goobta ka dhacay iyadoo aanay jirin isgaadhsiin goobta ka shaqaynaysa.

"Waxaan meesha tagnay todobaad ka hor, waxaa is hor fadhiyey ciidan beeleed, meesha waxaa ka dhisnaa berked iyo guri, kuwaas oo ahaa kuwii isqabadka dhaliyey, halka beesha reer Boocamena ay arintaas diidanayd" sidaa waxaa HOL u sheegay nin ka mid ahaa odayaal isku deyey in ay arinta wax ka qabtaan balse shaqayn weydey.

Goobta haatan dagaalku ka dhacay oo caasimada Puntland u jirta wax ka yar 30Km ayaa dad badani is weydiinayaan sababta dagaalka 12saacadood ka badan aanay wax ciidan ah iyo odayaal u soo diri waayeen.

Si kastaba ha ahaatee isu ciidansi xoogleh oo soconay dartood ayaa laga cabsi qabaa inuu dagaal xoogleh uu beri ka dhoco hadaan la helin abaabul dhexdhexaadin ah walow la sheegayo dadaal ka socda labada dhinac Laascaanood iyo Garowe.

Seynab A. Warsame , Hiiraan Online
[email protected]