4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Xildhibaan ku eedeeyay xukuumada Somaliland in ay afduub u haysato xildhibaano mucaarad ah
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay afduub ku haysato xildhibaan Ibraahin Maxammed Jaamac oo caan ku ah Khadar Guun.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaan Khadar Guun la waayahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay kadib markii uu xalay warbaahinta kasoo muuqday isaga oo sheegaya in uu taageersanyahay xildhibaan Faratoon oo xisbiga Kulmiye u sharaxay jagada afhayeenka baarlamanka.

"Waxa la sheegayaa xildhibaano la afduubtay oo meel ay ku suganyihiin aan la garan karaynin, oo inta hal sawir lala soo galay meel lala tagay aan haba yaraatee la garanayn, qaabka wax u socdaan waa qaabkii dalka inaga xumayn laha, waxan leeyahay wanaaga iyo sharafta ha lagu soo noqdo" ayuu yidhi.

"Guryahoodi oo dhan baa la booqday oo waa laga waayay, walaalahood baa loo tagay hablo barooranaya ayaa jira oo xildhibaan koodi la, xildhibaankii Khadar Guun ee xalay lasoo sawiray meel uu jaan iyo cidhib dhigay bal soo hel adigu" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaan Khadar Guun oo kasoo baxay xisbiga Waddani isla markaana horay uga tirsana isbahaysiga mucaaradka, ayaa habeenkii xalay ku dhawaaqay in uu taageerayo xubnaha xisbiga Kulmiye u sharaxay shirgudoonka golaha wakiilada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]