10/18/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 28, 2021
Xildhibaan sheegay in xukuumada Somaliland u adeegsatay sirdoonka Itoobiya
 

Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi, oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sool ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay u adeegsatay sirdoonka Itoobiya si loogu xidho magaalada Addis ababa xili uu safar ku joogay dalka Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in 5 nin oo katirsan ciidanka sirdoonka Itoobiya ugu yimaadeen makhaayad ku taala magaalada Addis ababa isla markaana xidheen waaran la'aan.

"Shalay aniga oo fadhiya kafateeriya Gaarisa la yidhaa ayay 5 nin oo katirsan sirdoonka Itoobiya ii yimadeen, waxay igu yidhaahdeen soo kac, waxan ku idhi waaran maad wadataan, waxay igu yidhaahdeen mayee saldhiga ayaanu kuugu sheegi waxanu kaa rabno" ayuu yidhi.

"Katiinad ayay wateen waxay damceen in ay isaaraan gaadhi xaajiyad ah, wuxuu Alle nagu guuleeyay in aanu u yeedhno askar booliis ah oo wadada maraysay, markaa niman Axmaariga garanayay ayaa ku yidhi, nimankani ninkan ayay xidhayaan markaa waxaanu idinka codsanayna in aad saldhiga isku gaysaan".

"Ciidan sirdoon ah oo lagu shaqaysanayo ayay ahaayeen, haybtoodiina waala garanaya oo nin reer Jigjiga ah ayaa ku jiray, saldhiga ayay i geeyeen suunkii iyo kabihiina way iga saareen, mobiladiina way iga qaadeen, kii Soomaaliga aha baa igu yidhi dollar ayaad waddanka soo galise danbigaaga iska qiro" ayuu hadalkiisa kudaray.

Xildhibaanka ayaa ku andacooday in xukuumada Somaliland ay isticmaashay ciidanka sirdoonka Itoobiya iyadoo usoo dhexmartay xafiiska Somaliland ee Addis ababa isla markaana la doonayay in lagu afduubo Addis ababa.

"Markii lala hadlay waxa soo baxday in ay ahayeen niman halkan laga waday, ninkii Soomaaliga aha ayaa la hadlay sirdoonka Itoobiya waxayna ku yidhaahdeen ninkaa anagu mahaysane dowladiisa ayaa haysata, wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa safaarada usoo martay" ayuu yidhi.

Xildhibaan Mustafe ayaa ku andacooday in sababta loo raadsanayaa ay tahay in uu taageersana qaar ka mida xubnaha ay isbahaysa mucaaradku u sharaxeen doorashada shirgudoonka wakiilada Somaliland, isagoo sheegay in uu si buuxda ugu biiray isbahaysiga mucaaradka.

 

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online












Click here
7/28/2021 3:14 PM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxday wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco iyo guddida wanaag farista Burco, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 30 ka bishan, aan hoteelada Burco lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo.

7/28/2021 2:33 PM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - 5 ruux ayaa ilaa hada la sheegayaa in ay dhinteen halka tiro 10 ku dhow ay dhaawacmeen ka dib markii laba beelood dagaal ku dhex maray meel u dhow ceelka Sanga-jebiye oo ka tirsan degaanka Boocame ee gobolka Sool.

7/28/2021 12:52 PM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Wakiil ku xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaynta xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillahi ee ahayd in xukuumada Somaliland isku dayday in ay ku afduubto gudaha dalka Itoobiya iyadoo usoo dhexmaraysa xafiiska Somaliland ee Itoobiya.

7/28/2021 11:45 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa bilaabay diiwaangalinta qabashada codsiyada xubnaha musharaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya gaar ahaan qaybta Jubbaland.

7/28/2021 11:31 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka tirsan xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay afduub ku haysato xildhibaan Ibraahin Maxammed Jaamac oo caan ku ah Khadar Guun.

7/28/2021 11:10 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Qaar kamida xildhibaanada isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay afduub uu xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo Kulmiye ka tirsani sheegay in Addis ababa ay xukuumada Somaliland ugu gaysatay iyadoo isticmaalaysa sirdoonka Itoobiya.

7/28/2021 8:17 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Boqortooyada Ingiriiska ayaa xoojineysa ka hortaga argagixisada iyo taageerada militari ee ay siineyso Kenya iyadoo labada dal ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo iskaashi dhanka difaaca ah oo shan sano ah.

7/28/2021 8:10 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax nabadeed oo ay shucuurtooda ku muujinayeen.

7/28/2021 6:18 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa u magacaabay madaxa Shaqaalaha NISA Cabaas Yacquub, kadib markii dhawaan xilkaasi laga qaaday Cabdullaahi Kulane.

7/28/2021 6:10 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Mareykanka ayaa shaaciyay ku dhowaad $ 199 milyan oo gargaar bani'aadamnimo oo loogu talo galay dadka Soomaaliyeed, si looga jawaabo saamaynta cunto yarida, abaaraha, daadadka, Ayaxa iyo safmarka COVID-19.

7/28/2021 1:57 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

7/28/2021 1:51 AM EST
Arbaco, Luulyo, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka bilaabato diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashooda tahay Jubbaland.