4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo madaxweynaha Jubbaland ku boggaadiyay soo gudbinta liiska musharraxiinta aqalka sare
 

Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha  xukuumada Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku boggaadiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam soo gudbinta Liiska qaar kamid ah musharaxiinta u tartamaya golaha aqalka Sare.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta soo gudbiyay liiska murasharraxiin ku tartamaya afar kursi oo aqalka sare ah, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo horey usoo fadhiyay kuraasta aqalka sare.

“Waxaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo guddiga Doorashada Jubaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada. Doorashadu way bilaabatay, Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay dedejiyaan qabashada doorashada," ayuu ku yiri raysal wasaaruhu qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in 29ka bisha July ay dhici doonto doorashada xildhibaanada aqalka sare ee heer Jubbaland.

Jubbaland, waa maamulkii ugu horeeyay ee soo magacaaba guddiga doorashada aqalka sare, sidoo kale waa maamulkii ugu horeeyay soo gudbiya liiska musharraxiinta aqalka sare.

Jubbaland waxaa aqalka sare u matala siddeed xubnood. Madaxweynaha Jubbaland ayaa laga sugayaa inuu soo gudbiyo magacyada musharraxiinta afarta kursi ee dhiman.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online