4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo soo gudbiyay liiska Musharaxiinta Aqalka Sare iyo Guddiga doorashada oo shaaciyay jadwalka Doorashada Aqalka Sare
 

Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah usoo gudbiyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeyb ka mid ah.

Xubnahan ayaa loo gudbiyay guddiga doorashooyinka Jubbaland SIET ayaa ka kooban afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib uga soo muuqday tartanka Senatarada kala ah Ilyaas Gaboose, Iftin Xasan Baasto, Iyo Senatar Fartaag.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyay soo gudbinta liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinac kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ee laga soo dooranaayo dowlad goboleedka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyay in maalinta berito ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]