4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2021
Madaxweyne Deni oo deeq waxbarasho u ballanqaaday ardaygii ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare
 

Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa deeq waxbarasho u ballanqaaday Yacquub Mursal Yuusuf oo ahaa ardaygii ugu sareeyay imtixaankii shahaadiga ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garowe, kaasoo dib u eegis loogu sameynayo horumarka waxbarashada iyo caqabadaha jira.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay deeqda waxbarasho ee u ballanqaaday Yacquub Warsame, in ay tahay mid lagu dhiirri galinayo isaga iyo dhamaan ardayda kale ee halganka ugu jira waxbarashadooda.

“Yacquub waxa uu muujiyay tayada iyo dadka aan rabno in ay soo baxaan. Waxaan rabaa in aan halkan uga ballanqaado waxbarashadiisa heerka jaamacaddeed in uu xafiiskayga damaanad qaadayo, ayuu yiri M/ Deni.”

Deni wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la dhiiri galiyo ardayda, si ay mustaqbalka dalkooda ula wareegaan, marka ay kororsadaan aqoonta munaasibka u ah bulshadooda.

Yacquub Mursal Yuusuf oo dhigan jiray dugsiga sare Bosaso Public ayaa imtixaanka ka helay darajo gaaraysa 99.14%. Wuxuuna ku dhawaaday inuu 100% ku baaso imtixaanka sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online