3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2021
Midowga Yurub oo kalabar dhimay lacagihii loogu talagay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya
 

Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda ayaa kala bar dhimay miisaaniyadda ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, ka dib markii askarta Kenya ay si qarsoodi ah uga baxeen howlgalka AMISOM.

Guddiga maaliyadda ayaa Baarlamaanka Kenya u sheegay isniinta shalay in ay Kenya ka heshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM lacag dhan 4.5 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Kenya waxay markii hore midowga Afrika ka heli jirtay Sh8.5 bilyan.

Go’aankaan ayaa la xiriira ka bixitaanka qeyb ka mid ah ciidamadii Kenya ee loo soo diray Soomaaliya si ay ula dagaalaamaan Alshabaab.

Baarlamanka ayaa baareya sababta Kenya ay lacag yar ugu heshay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka loo eego miisaaniyada.

“Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee ku sugan Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay,” sidaasi waxaa sheegay Julius Muia, xoghayaha maaliyadda.

28-da dal ee midowga Yurub (EU), oo ah kuwa ugu badan ee lacagaha ugu deeqa AMISOM iyadoo loo marayo midowga Afrika, ayaa taageereeyay barnaamijyada iyo howlaha Midowga Afrika.

Midowga Yurub wuxuu maalgeliyaa gunooyinka ciidamada AMISOM iyo booliska, mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kharashaadka ku baxa howlaha xafiisyadooda, iyo kuwo kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/27/2021 9:34 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku boggaadiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam soo gudbinta Liiska qaar kamid ah musharaxiinta u tartamaya golaha aqalka Sare.

7/27/2021 8:08 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah usoo gudbiyay liiska xubnaha Musharaxiinta ee ku tartamaya Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya qeyb ka mid ah.

7/27/2021 6:50 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha bulshada ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxammed Sadiiq Dhame, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashiinkii baadhista dhiigaga ee uu laha isbitaalka Ceerigaabo la xaday isla markaana loo iib geeyay Garowe.

7/27/2021 5:13 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa deeq waxbarasho u ballanqaaday Yacquub Mursal Yuusuf oo ahaa ardaygii ugu sareeyay imtixaankii shahaadiga ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare Puntland.

7/27/2021 2:18 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhagxanya Cadde oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi Xalay lagu dilay dad shacab ah.

7/27/2021 1:50 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda guddiga hirgelinta doorashoyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee Jubbaland.

7/27/2021 1:04 AM EST
Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in Khamri iyo Xashiishad aan tiro lahayn Somaliland si sharci daro ah lagu soo galiyo, isla markaana booliisku fashiliyay tabo layaable oo dadka ka ganacsada maandooriyuhu isticmaalaan.