4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2021
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay guddiga doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed
 

Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda guddiga hirgelinta doorashoyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xubnaha labada guddi ka dhageystay marxaladaha iyo daruufaha shaqo ee ay ku guda jiraan iyo waliba sida ay u socoto dardargelinta doorashooyinka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii looga wadashaqeyn lahaa doorasho hufan oo daahfuran in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah amaan ugu jeediyay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee maamulka Jubbaland, isagoona kula dardaarmay qabashada shaqada adag ee hortaala iyo tan ay soo qabteen maalmahii lasoo dhaafay iyo iney si cadaalad ah u maamulaan inta uga harsan shaqooyinkooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]