4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 27, 2021
Booliiska Somaliland oo ka warbixiyay maandooriyaha oo Somaliland kuso qul-qulaya
 

Talaado, Luulyo, 27, 2021 (HOL) - Taliyaha Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in Khamri iyo Xashiishad aan tiro lahayn Somaliland si sharci daro ah lagu soo galiyo, isla markaana booliisku fashiliyay tabo layaable oo dadka ka ganacsada maandooriyuhu isticmaalaan.

Taliyaha ayaa ka sheekeeyay xadiga maandooriyaha kala duwan ee ciidanka booliisku ku guulaysteen, in ay qabtaan mudadii u dhaxaysay bishii kowaad ilaa bishii lixaad ee sanadkan, sidookale taliyuhu wuxuu ka hadlay dad tiro badan oo loosoo qabtay ka ganacsiga sharci darada ah ee maandooriyaha.

"Jeenawari ilaa Juun 26,800 oo litir oo Khamri ah ayuu ciidanka boolisku qabtay, 10% kama aha wixii dalka soo galay,   10,55 Xashishad ah oo iskugu jirta tii la laabayay, tii sanka laga qaadanayay iyo mid dareere ah oo xididka layskaga mudo iyadana waala qabtay" ayuu yidhi Dabagale.

"Ciidanka booliisku waxa kale oo uu qabtay 1,500 oo caagadood oo Isbiirto ah, 1001 eedeysane ayaa loo qabtay oo la hayaa lixdaa bilood, halkaa waxad ka fahmaysaa xadiga daroogadu ku leedahay waddankeena" ayuu hadalkiisa kusii daray Dabagale.

Taliye Dabagale ayaa sheegay in maandooriyaha ugu badani uu Somaliland kasoo galo waddanka Itoobiya, waddamada kale ee jaarka, isla markaana xataa uu jiro maandooriye Somaliland looga soo dhoofiyo waddama kale ee caalamka kaasi oo Somaliland kasoo gala dhinaca badda.

"Maandooriyuhu waxa uu ka yimaada waddmada jaarka inala ah oo dhan iyo kuwa caalamka oo baddana wuu inaga soo gala, 4 bilood kahor 400 oo litir markab sida ayaanu qabanay, lakiin 95% waxa uu inooga yimadaa waddamada aynu dariska nahay waxana ugu hadan Itoobiya" ayuu yidhi Dabagale.

Dabagale ayaa sheegay in ciidanka boolisku fashiliyeen farsamooyin kala duwan oo dadka maandooriyaha Somaliland keena isticmaalaan, wuxuuna sheegay in lagu soo dhex qariyo baabuurta caanaha, baabuurta Qaadka, baabuurta khudaarta iyo xataa falaasadaha (darmuusyo) shaaha lagu shubo.

Dagaalka uu booliisku kula jiro  maandooriyaha Somaliland laga soo galiyo waddamada jaarka khaasatana waddanka Itoobiya oo Somaliland ay xuduud dheer wadaagaan, ayaa noqday shaqo maalin le ah, waxaana bilihii u danbeeyay kordhay xadiga maandooriyaha Somaliland sida qarsoodiga ah loogu soo iib geeyo.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online