4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 24, 2021
Maamulka Galmudug oo ka jawaabay hadal kasoo baxay Xildhibaanad Ilhaan Cumar
 

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareska Mareykanka taasoo sheegtay in dowladda Mareykanka looga baahan iney macluumaad dheeraad ah ka bixiso duqeynta ay ka fulisay Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo ka jawaabayay hadalka Xildhibaanad Ilhan Omar ayaa sheegay xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda uu u furan yahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

"Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno" ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxuu intaasi ku daray wasiirka amniga Galmudug ineysan habooneen in Ilhaan cumar ay afhayeen u noqoto Alshabaab oo uu sheegay iney dhibaatooyin xoogan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

"Miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin, Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay. Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday" ayaa yiri wasiir Fiqi.

Hadalkan kasoo baxay wasiirka amniga Galmudug ee jawaabta u ahaa hadal kasoo yeeray Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xili saacado ka hor ay Xildhibaanad Ilhaan Cumar ka hadashay duqeymo diyaareed oo aay dowladda Mareykanka ka fulisay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]